Dowlada Kenya oo xusul duub ugu jirta xubinimada Golaha Ammaanka

Dowlada Kenya ayaa dadaal xoog leh ku bixinaysa sidii ay ugu fariisan lahayd mid ka mid ah kuraasta Guddiga joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,iyadoo weliba taageero u raadineysa sidii ay u milkin lahayd badda Soomaaliya ay leedahay oo haatan dacwadeedu taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ. 


Dowlada Kenya oo xusul duub ugu jirta xubinimada Golaha Ammaanka

Madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta oo horkacaya dadaalada dowlada Kenya ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxa uu la kulmay madaxweynayaal iyo wakiilo ka socday illaa 18 dal.

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa qarash xoog leh waxa ay ku bixineysa siyaasadeeda arrimaha dibbada iyadoo malaayiin shillinka Kenya ah ay ugaga baxday sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay wadamada Bariga Afrika madax ka socotay ayaa ka codsaday in lagu taageero sidii dowladiisu ay ugu fariisan lahayd kursiga golaha ammaanka ee aan joogtada ahayn.

Dowlada Kenya ayaa u diyaargaroobeysa inay ka hortimaado go’aanka ka soo bixi kara Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo bisha soo socota lagu wado inay ku dhowaaqdo natiijada,waxaana horyaal baarlamaanka Kenya mooshin ka dhan ah dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaan laga hayn dadaalo ku aadan sidii ay ugu guuleysan lahayd dacwada kala dhexeysa Soomaaliya iyo Badda.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  kenya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS