Guddoomiye Mursal oo qoraal ku shaaciyay xiritaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaciyay in la soo xiray kalfadhigii 5aad ee Golaha, kaasoo soo bilowday bishii Maarso ee sanadkan. 


Guddoomiye Mursal oo qoraal ku shaaciyay xiritaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo ku taariikheysnaa 4-ta bisha Agosto ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 5aad uu soo xirmay 27-kii bishii hore ee July, sidaas darteed Xildhibaanada Golaha ay galayaan fasax labo bilood ah.

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doona 27-ka bisha September ee soo socota, iyadoo kalfadhiga la soo xiray uu ahaa kii ugu baaqashada badnaa, marka loo eego kulamo dhowr ah oo kooram la’aan u furmi waayay.

Dadka odorasa arrimahan Baarlamaanka ayaa sheegaya in labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay uu ahaa kuwii ugu habacnsanaa, waxaana baaqday kulamo badan, sidoo kale sharciyo la filayay in laga doodo ayaa dib u dhac ku yimid.

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS