Maxaa loo fasirri karaa tallaabada Madaxweyne Farmaajo uga laabtay Jinsiyadda Mareykanka ? Faallo

Tallaabada Madaxweyne Farmaajo uu kaga tanaasulay jinsiyaddii labaad ee Mareykanka ma bilow olole doorasho uu mar kale u galayo in dib loo soo doorto mise waa farriin ku socoto Siyaasiyiinta labada Jinsiyaddood wata ee la filayo inay ku soo hirtaan tartanka Madaxtinimada Soomaaliya sanadka 2021 ? 


Maxaa loo fasirri karaa tallaabada Madaxweyne Farmaajo uga laabtay Jinsiyadda Mareykanka ? Faallo

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu maanta uga tanaasulay jinsiyaddiisa labaad ama baasaboorka Mareykanka, inkastoo ay jireen baaqyo horay loogu jeediyay oo ka soo yeeray siyaasiyiin iyo aqoonyahano oo ahaa inuu ka tanaasulo baasaboorka Mareykanka, markii uu xilka Madaxtinimada la wareegay, hadana ma jirin tallaabo degdeg ah oo xilligaas qaatay.

Hase ahaatee go’aankiisa lama filaanka ah maanta oo ah 1-da Agosto ee sanadka 2019, waxaa loo fasiri karaa dhowr arrin midood ?

Waa tan koowaade in Madaxweyne Farmaajo xilligan oo muddo xileedkiisa ka harsan yahay sanad iyo lix bilood uu doonayo in dib boorka uga jafo halku dhiggiisa ololihii doorashada sanadkii 2016 oo dad badan ay u arkayeen inay ka turjumeysay mid Waddaniyadeed, ha yeeshee waxaa markii dambe meesha ka baxday wixii ay filayeen shacabka kaddib tallaabooyin lid ku ah Waddaniyadnimada ee dowladdii uu hoggaaminayay lugaha la gashay, illaa heer ay gaartay in lagu eedeeyo Qiyaano Qaran, ayna xubno ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka keenaan.

Tan labaad waxaa loo fasiri karaa in Madaxweyne Farmaajo uu waddo cusub u furri doono wixii hadda ka dambeeya in siyaasiyiinta u hanqal taagaya xilka ugu sareeya dalka ee heysta dhalashada dalal kale inay ka tanaasulaan, ka hor inta aanay Tartan u gelin xilka Madaxtinimada dalka.

Midda 3aad Madaxweyne Farmaajo waxaa labo sano iyo barkii uu Xafiiska joogay culeys ka heystay tagitaankiisa Mareykanka iyo in uu shirar uga qeyb galo, taasoo loo aaneyneynayay in haddii isaga oo heysta Baasaboorka Mareykan ah uu tago dalkaas uu la mid noqonayaa sidii Muwaadin caadi ah oo dalkiisa ku soo laabtay, taas oo meesha ka saari laheyd inuu helo maamuus Madaxweyne iyo Xasaanad Diblomaasiyadeed, waxaana ka dhalan kartay inuu wajaho in dacwad lagu soo oogo.

Labadii sano ee u dambeeyay Madaxweyne Farmaajo kama qeyb gelin Shirkii Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee New York, waana sababta dhanka Baasaboorka uu heystay, labada sano ee muddo xileedkiisa ka harsan haddii uu sii heysan lahaa baasaboorka Mareykanka wuxuu noqon lahaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo aan tagin New York iyo minbarka khudbad jeedinta ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, waana tan keentay in bishan Agosto ee sanadkan 2019 lagu soo aadiyay ka laabashadiisa dhalashada Mareykanka, si bisha soo socoto ee September uga qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

By Abdiaziz Golf

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS