Wasiir Cawad iyo Guddiga arimaha dibada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiir Cawad iyo Guddiga arimaha dibada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo iyo warbixintii uu dhawaan daabacay Wargeyska New York Times ee la xiriirtay Qaraxii magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa sheegay in Wasiir Cawad wax badan ka weydiiyeen howlaha Wasaaradda arrimaha dibada iyo arrimaha diblomaasiyadda,islamarkaana kulankan uu qeyb ka ahaa Barnaamijka isla-xisaatanka ee Dowladda.

Sidoo kale,guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka arrintaas uu kaga jawaabay in Dowladda Qatar ay beenisay warbixintaa

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS