Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxtooyada kula kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee dalalka kulaala badda cas iyo gacanka cadmeed.

Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika ka jira.

Muddo labo ciisho ah ayuu qaadanayaa socdaalka wafdigan waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS