La Taliyihii Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo loo magacaabay Madaxweynaha Ismaamulka Amxaarada

Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu noqda Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada, kaddib markii la dilay Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen. 

La Taliyihii Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo loo magacaabay Madaxweynaha Ismaamulka Amxaarada
Tobaneeyo ruux ayaa ku geeriyooday dagaalo ka dhashay isku day afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Gobolka Amxaarada, taasoo sababtay in lagu dilo Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen.

Taliyihii Guud ee Ciidamada Itoobiya ayaa isna lagu dilay Addis Ababa, iyadoo dilkiisa lala xiriiriyay inuu qeyb ka ahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada.

Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada ayaa muddo saddex maalmood shir uga socda magaalada Bahar Dar, waxaana ay isku raaceen in Temesgen Tiruneh loo doorto Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada.

Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyada labaad ee ugu badan Itoobiya, waxaana loo arkaa gobol miisaan siyaasadeed oo weyn ku leh dalka Itoobiya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Ethiopia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS