Faahfaahin ka soo baxaysa qarax qasaare geystey oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax ay ku dhinteen labo ruux saddex kalana ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. 


Faahfaahin ka soo baxaysa qarax qasaare geystey oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay laanta Sharikadda SOMTEL ku leedahay Isgoyska Black Sea iyadoo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka ku dhintey qaraxan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in mid ka mid ah labada qof ee dhintay uu ahaa shaqaalaha sharikadda, halka qofka kalena rayid ahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ciidamada ku baaraan gaadiidka aada dhinaca cirtoogte,halkaas oo ku dhow dhismaha SOMTEL ee BlackSea.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodon iyo ciidamada ammaanka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS