Madaxweynaha oo Xukuumadda faray in ay gurmad u fidiso dadka ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii qaraxa ku bilaawday ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo Xukuumadda faray in ay gurmad u fidiso dadka ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Caafimaad u rajeynayo dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkaas isagoona Xukuumadda Federaalka faray in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, sidoo kale bulshada Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan cadawgooda.

 “Anigoo aad uga murugeysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo, In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo dil, dhaawac iyo burburinba ay la daba joogaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheikh oo sii hadlayey ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah, Wax ay inoo reebanayaan oo nagu khasbaya in aan indhaha ka fiirsano ma jirto waa dagaal qof kaliya ama dowladd lagu haleynayo uusan jirin ee loo baahan yahay in aan u istaano, una midowno cadowgan nabadda inoo diidan ee har iyo habeen dilka, dhaawaca iyo burburkaba nala dul jooga.

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS