Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 


Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha & waxgaradka magaaladaas, isaga oo kala hadli doona tabashada ay qabaan iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sii xoojiyay dadaalada uu ku doonayo inuu ku qarameeyo ciidamada maleeshiyo beeleed ah oo haysta hub faro badan kuwaasoo ku sugan gobolada dhexe ee dalka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ra’iisul wasaare Kheyre uu booqasho ku tago deegaano ka tirsan maamulka Koofurgalbeed halkaas oo uu ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GAALKACYO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS