Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo diiday inay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Kheyre

Odayaasha dhaqanka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay diideen in ay la kulman Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo saaka gaaray magaalada Cadaado. 


Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo diiday inay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Kheyre

Odayaasha ayaa diiday la kulanka ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha in uu uga baxay balan hore oo ay sheegeen in lagaleen haatana aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii ay la galeen.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay siyaasiyiinta ku sugan degmada Cadaado isagoo codsaday in la taageero qorshayaashii Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigisa ayaa ka baxay cadaado waxa ayna ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo ka socoto soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa oo mudooyinkaan ku sugaa deegaanada Galmudug.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wada dadaalo uu maleeshiyo beeleedyada ku sugan gobolada dalka ay ugu biiri lahaayeen ciidamada dowlada kahor inta aysan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ka bixin dalka Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  CADAADO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS