Jen. Zakiya “Annaga Muqdisho waddo weyn ma aanan ka xirin, Jid caddayaal ayaa noo xiran”

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka hadashay xirnaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay dhibaato xooggan ku qabaan shacabka ku nool gobolka Banaadir. 


Jen. Zakiya “Annaga Muqdisho waddo weyn ma aanan ka xirin, Jid caddayaal ayaa noo xiran”

Wareysi ay siisay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayey ku sheegtay in waxa ay xireen ay tahay oo kaliya Jid Caddayaasha dhex mara xaafadaha, taasina ay tahay iyagoo aan heysan Ciidamo fara badan oo ay geeyaan wado kasta oo magaalada ah.

“Annaga jid weynayaasha oo caadiga ah meynaan xirin waxaa xirnay waxa weeyaan waa jid cadayaasha, sababta aan u xirnayna waxaa waaye markaan fiirinay meelaha ay ka baxaan Kooxaha amni darada geysta waxa ay isticmaalaan Jid caddayaasha, xamarna boqolaal jid cadde ayaa ku yaalla, hada markaa xirnay waxaa fududaatay in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha, taasna in la fahmo waaye”ayey tiri Zakiya oo tusaallooyin u soo qaadatay waddooyin ku yaala London.

Waxaa ay sheegtay inay hoos u dhaceen qaraxyadii iyo weeraradii qorsheysnaa ee Shabaab ka geysan jireen Caasimada, iyadoo sababta arrintaasna ku sheegtay isku xir toos ah oo u dhaxeeya Nabadsugida iyo Ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

“Maanta hadaa is bar bar dhigtid labadii sano ee la soo dhaafay qaraxyadii iyo dhacdooyinka ka dhacaayay Caasimada, waxaa arkeysaa in hoos u dhac xooggan uu ku dhacay falalka lidka ku ah amniga, hadey ahaan laheyd qaraxyada, weerarada iyo dilalka Bistooladleyda, waxaana sabab u ah isku xirka NISA iyo booliska oo wada shaqeeya” ayey tiri Zakiya.

Waxa ay sidoo kale wareysiga ku soo qaaday dilalka ay geystaan Ciidamada ammaanka ee ku sugan Caasimadda, kuwaasoo iska dila shacabka, haba ugu badnaadaane dhalinyarada kaxeysa Mootooyinka Bajaajta.

Dhowr askari ayey sheegtay inay ku jiraan xabsiyada dowladda, kuwaasoo ah xukun sugayaal, si loogu qaado danbiyada ay geysteen.

Shacabka Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xirnaanshaha jid caddayaasha xaafadaha oo lagu gooyay dhagxaan iyo ciid, waxaana xilliyada qaar oo gurmad loo baahdo qof xanuunsan ama haweenka foosha ah ku adkaata inuu gaaro gaadiidka gurmadka degdega ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS