Dhagayso:Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo eedeynaya Dowlada Federalka

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu eedeyn kulul u jeediyay Dowlada Federalka isagoo ku eedeeyay go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas. 


Dhagayso:Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo eedeynaya Dowlada Federalka

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Guinea.

“Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso.

Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah.

Audio Player

00:00
 
Section  Somali
Category   Local News
Tag  hargeyso

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS