Saciid Deni “Dowladda Federaalka waa inay dhex dhexaad ka noqotaa doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo. 


Saciid Deni “Dowladda Federaalka waa inay dhex dhexaad ka noqotaa doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug”

Saciid Deni ayaa sheegay inay rajeynayaan in 60-sano ee u buuxsami doonto sanadka soo socda in Midnimadii dalka inuu soo laabto iyo dowladda iyo dadkeeda oo is raacsan yihiin.

Waxaa uu ka hadlay doorashooyinka ku soo fool leh Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isagoo ugu baaqay inay qabsadaan doorasho xor iyo xalaal ah, ayna wax ka bartaan Puntland sida uu yiri.

“Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay in aanu dib dambe u soo raacin”ayuu yiri Saciid Deni oo si maldahan u muujinayay qaabkii dowladda Federaalka u faragelisay doorashadii Koofur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo ay dhowaan doorashooyin ka dhacayaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GAROOWE

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS