Qatar Airways oo duulimaadyo ka bilowday magaalada Muqdisho

Mid kamid ah diyaaradaha  Qatar Airways  ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. 


Qatar Airways oo duulimaadyo ka bilowday magaalada Muqdisho

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira  Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho.

Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha   Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya.

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS