Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusuna oo maanta lagu saxiixayo Dhuusamareeb

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu saxiixo Heshiiska Ahlusuna iyo dowladda Federaalka, kaddib markii xalay si rasmi ah Ra’iisul Wasaare Kheyre u shaaciyay qodobo ka mid ah heshiiska labada dhinac. 


Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusuna oo maanta lagu saxiixayo Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ahlusuna ay ogolaatay in ciidankeeda lagu biiryo kuwa dowladda Federaalka, lana qarameeyo, tababarna loo furo, isagoo caddeeyay wixii maanta ka dambeeya amniga magaalada Dhuusamareeb la wareegi doonaan Hey’addaha Amniga.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhuusamareeb ay wixii hadda ka dambeeya ka furan tahay gogosha dib u heshiisiinta, laguna qabanayo doorashada.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhankiisa isna caddeeyay in ciidamada dowladda Federaalka ay ka howlgalayaan magaalada Dhuusamareeb, ayna raalli ka yihiin wixii hadda ka dambeeya dowladda Federaalka.

Heshiiska ayaa ku saabsan in Amniga magaalada ay la wareegaan Hey’addaha amniga dowladda Federaalka, in la xareeyo, lana qarameeyo Ciidamada Ahlusuna, in Dhuusamareeb ay noqoto magaalo aanay koox maamulin oo leh magaalo maqaam caasimadeed leh oo ka jira awaamiirta dowliga, kana howlgalaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida

Lix sano ka hor bishii 3aad sanadkii 2013 ayay sidan oo kale Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa heshiis la saxiixatay Ahlusuna, heshiiskaasoo uu Caabudwaaq ku saxiixay Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, halka Ahlusuna ay u saxiixeen saddexd xubnood oo kala ahaa Guddoomiyaha saddexda gole, Guddoomiyaha Golaha Fulinta, iyo Guddoomiyaha Talada, heshiiskan ayaa ahaa in Ciidamada iyo Maamulka Ahlusuna lagu biiriyo ciidanka dowladda, la qarameeyo, tababarna loo furo, iyadoo xilligaas dib loo howlgeliyay Xeradii 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Lama oga heshiiskan maanta lagu saxiixi doono magaalada Dhuusamareeb waxaa uu ka bedeli karo heshiisyadii hore ee Ahlusuna ula gashay Xukuumaddii hora, iyadoo mar walba heshiisyada ahaayeen kuwo aan muddo dhaqan gelin oo ugu dambeyn ka dhigi jiray in Ahlusuna ay dib isku abaabusho, ciidankeedana gaar u taagnaada.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  DHUUSA MAREEB

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS