Wasaarada Waxbarashada oo dugsiyada dalka ku amartay inay hirgeliyaan Manhajka dalka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in Dugsiyada waxbarashada dalka iyo Dalladahaba ay hirgliyaan Manhajka cusub ee ay diyaarisay dowladda Soomaaliya. 


Wasaarada Waxbarashada oo dugsiyada dalka ku amartay inay hirgeliyaan Manhajka dalka

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa lagu sheegay in laga bilaabo August 2019/2020 la farayo Dugsiyada dalka  in ay dhaqan geliyaan Manhajka oo quseeya fasallada 1aad ilaa 8aad ee guud ahaan dalka.

Amarkan ayaa waxaa uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale iyadoo dalladaha dalka ka jira ay dhigaan manhajyo kala duwan kuwaasoo tan iyo burburkii dowladii hore ee dalka ka jirtey la isticmaalayay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aqoonsiga lagala noqon doono dugsigii fulin waayo amarka,waxayan wasaarada waxbarashadu sheegtay in ay tababari doonto macalimiinta dugsiyada dalka isla markaana kormeeri doonto dugsiyada,

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS