Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii lagu dilay dad ka badan 10 ruux oo guud ahaanba ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

Dilka dadkan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa si wadar ah waxaa u dilay maleeshiyaad la sheegay in ay ka careysnaayeen dilka sarkaal ka tirsana Nabad-sugida oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo. 

“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad careysan kadib markii  maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka  soomaaliga ah ee BBCda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay  isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la  marsiin doono.

Cambaareyn xoog leh ayaa loo jeediyay falkan lagu dilay dadkaa rayid ah, waxaana si wada jir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, xildhibaannada labada Aqal iyo waliba siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaa oo dhamaantood ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno dadkii ka danbeeyay falkan. 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GAALKACYO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS