Dowladda Soomaaliya oo walwal gaar ah ka qabta shirarka Nairobi Share Tweet Email Share Share

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya oo walwal gaar ah ka qabta shirarka Nairobi  Share  Tweet  Email  Share  Share

Madaxweynayeyaasha Jubaland, Galmudug, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo siiyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Nairobi. 

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibsaneyso shirarka ka socda Nairobi.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waayadii ugu danbeeyayba u muuqday mid sii xumaanaya iyadoo dhowr jeer oo hore Kenya ay ka dhaceen shirar ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay yeesheen Madaxda dowlad gobolleedyada, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dowladda.
Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS