Shir-weynaha Shaqada adduunka oo ka furmay Geneva

Shir weynaha shaqada caalamka  ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada  Geneva iyadoo uu shirkaasi ka qeybgalayo Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha dowlada federalka Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo. 


Shir-weynaha Shaqada adduunka oo ka furmay Geneva

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay.

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey’adda shaqaalaha adduunka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la’aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuuro loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeran sannad walba dowladaha xubnaha ka ah. Waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Geneva

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS