Faah faahin: Weerar lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaley

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar Kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. 


Faah faahin: Weerar lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaley

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo kooban socday uu dhex maray Ilaalada Xarunta iyo Kooxo Hubeysan, iyadoo la sheegayo in labo ruux ku dhaawacantay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas culus oo muddo labada dhinac is weydaarsanayeen, waxaana markii dambe ay iskeed u istaagtay.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gurmad ahaan ugu tagay xarunta deegaanka, kaddib markii iska hor imaadka uu dhacay.

Deegaanka Garasbaaley ayaa ah deegaan muddooyinkii u dambeeyay dhismayay, iyadoo deegaankan ay muddo ka jirtay muran ku aadan degmada uu ka tirsan yahay, inkastoo Maamulka Gobolka Banaadir uu horay u sheegay inay tahay Deegaan beel, balse aanay weli helin aqoonsi degmo gaar ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS