62 entries

Articles Published in June, 2019

Somaliland oo sheegtay inay maxkamada saari doonto ciidamadii ka goostay ee ku biirey Puntland

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inuu maxkamada ciidamada saari doonaan saraakiil ka goostay ciidamda Somaliland oo ku biirey Puntland, waxaanu xusay in aanay dib dambe u dhici doonin ciidamo kolba dhinac u carara.

Ra'iisul wasaare Khayre oo u ambabaxay dalka Qatar

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa galinkii hore ee Sabtida  maanta u ambabaxay magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar.

Maamulka Puntland oo heshiis lagu dhisayo deked la saxiixday shirkad Shiinees ah

Maamul goboleedka Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxiixday shirkada China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC). 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Faah faahin: Weerar lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaley

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar Kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu magacaabay Axmed Shiidka Guddoomiyaha Warsheekh

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo wareegto uu ku magacaabayo Guddoomiyaha degmada Warsheekh, iyadoo dib loogu magacaabay xilkaas Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo bilo hore xilkaan laga qaaday. 

Axmed Madoobe: Dastuurka uu madaxweynaha ku yimid haddii la ixtiraami waayo Soomaaliya way is garatay oo nin ka xoog badan nin kale ma jiro

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa isagoo caro muujinaya waxa uu mar kale ku celiyay in Jubbaland ay xaq u leedahay fulinta doorashadeeda, cid kusoo faragalin kartana aysan jirin.

Puntland oo dadaal ku bixinaysa sidii dib loogu furi lahaa isu socodka Garoowe iyo Boosaaso

Ku dhowaad muddo toddobaad ah oo hakad uu ku jiray isu socodka magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo magaalada Boosaaso ayaa hadda waxaa socda dadaallo lagu raadinayo sidii dib loogu furi lahaa, kaddib markii daadadkii ka dhashay roobabkii dhawaa ay waxyeelo ka soo gaartay waddada dheer ee xiriira deegaannada.

Milatariga Suudaan oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal xilli xaaladda Khartoum ay wali kacsantahay

 Hoggaanka milatariga gacanta ku haya maamulka dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaadday inay diyaar u yihiin wada xaajood aan sharuud lagu xirin si xal loogu helo dhibaatada ka aloosan dlakaas.

Maamulka Galmudug oo shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shir deg deg ah leysugu yeeray madaxda maamulada qeybta ka ah dowladda dhexe ee federaalka, kaa oo looga arisanayo xaalada guud ee dalka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS