67 entries

Articles Published in May, 2019

Akhriso: Xisbiga UPD oo war ka soo saaray Xaalada Maamulada Galmudug iyo Jubbaland

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa soo badhigay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda dawlad goboleedka Galmudug, doorashooyinka Jubbaland iyo khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Maamulka Hirshabeelle oo ka horyimid Habraacii ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday Maamulkii u horeeyay ee ka horyimid habraacii doorashooyinka dowlad goboleedyada ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka koobnaa 27 qodob oo tilmaamayay habka iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada. 

Garabka Galmudug ee Cadaado oo soo dhoweeyay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka mid ah garabka maamulka Galmudug ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa soo dhoweeyay go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ka hadlayay habraacii iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada. 

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose. 

Wasaaradda Caafimaadka oo ku wargelisay Hey’adaha caalamiga in Nairobi laga raro Shirarka iyo Siminaarada lagu qaban jiray

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi, waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda Wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Ciidamo Milateri oo qarax miino lagula eegtay duleedka Muqdisho

Qarax xooggan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Deyniile, Kaxda iyo qeybo kamid ah Dharkeenleey. 

Maleeshiyada Macwiisleyda oo Sarkaal Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Maleeshiyada Macwiisleyda ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Gabar 22 sano jir aheyd oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faah faahin laga helay dilkeeda

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil xalay fiidkii Waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar 22 sano jir aheyd, xilli ayo ka soo baxday Masaajid ay ku soo dukatay Sallaadii Taraawiixda. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS