67 entries

Articles Published in May, 2019

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweynaha oo xilka ka qaaday mid ka mid ah kuxigeenadii ugu awoodda badnaa G/Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir. 

Madaxweynaha Jubbaland oo caawa ku hoyanaya deegaanka Baarsanguuni(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la afuray caawa Sarakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan jiida hore, iyadoo Madaxweynahu uu caawa ku hoyanayo deegaanka Baarsanguuni si uu ugu dhiiri galiyo Ciidamada howlgalada iyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab. 

Maraykanka oo duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan dalka Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya shalay oo Arbaca ahayd iyadoo ay duqeymahan ay lagu kala qaaday maleeshiyaadka Al-Shababa iyo Daacishta Soomaaliya. 

Golaha Wasiirada oo ansixiyay magacaabida Illaa Shan Safiir (Akhriso Magacyada)

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ee maanta ku ansixiyay magacaabida Illaa Shan Safiir oo cusub. 

Dowladda Federaalka oo go’aansatay in shirarkii Hey’adaha ku qaban jireen Nairobi laga raro

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in dhamaan shirarka, Kulamada iyo Siminaaradii ka dhici jiray Nairobi laga raro, kaddib markii dhowaan dowladda Kenya ay dal ku galka u diiday Wasiiro iyo Xildhibaano ka qeyb geli lahaa Shir uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub oo ka dhacayay Nairobi. 

(Daawo)Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo is casishay

 Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaadday inay xilka iska casishay, kaliya ma ahane inay xilka baneyso waxaa kalo ay iska casilaysa hoggaaminta xisbiga.

Xukuumada Soomaaliya oo ku eedeysay maamul goboleedyada inay dano ka leeyihiin diidmada Sharciga Batroolka.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay diidmada ay maamul goboleedyada kala hor ymaadeen sharciga Batroolka, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Muwaadiniin u dhalatay dalka Bangladesh oo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil gaari ka dhacay Somaliland

Laba muwaadin oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa ku geeriyootay, halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaarii ay la socdeen xubnahan uu Shil ku galay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Dacar Budhuq. 

Askar ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay Bam Gacmeed lagu weeraray Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS