Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga oo lagu qarxiyay duleedka Balcad

Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Balcad, iyadoo la soo sheegayo inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. 


Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga oo lagu qarxiyay duleedka Balcad

Miino kuwa dhulka lagu aaso ayaa gaariga ay la socdeen Ciidamada lagula eegtay inta u dhaxeysa Gololey iyo Qalimow.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ka tageen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Haan-sheekh, waxaana xilli uu ku wajahnaa deegaanka Ceelka Galow lala beegsaday qarax miino.

Ugu yaraan hal askari ayaa la sheegay inuu qaraxa ku geeriyooday, halka labo kalena ku dhaawacmeen, waxaana gaariga la qarxiyay la socday Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo miino oo lala beegsanayay gaadiidka ay la socdaan ciidanka xoogga dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Balcad

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS