Maleeshiyada Macwiisleyda oo Sarkaal Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Maleeshiyada Macwiisleyda ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. 


Maleeshiyada Macwiisleyda oo Sarkaal Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellaha Dhexe

Sida wararku sheegayaan weerarkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xagarey oo ku dhow degmada Cadale.

Axmed Dhageey oo sheegtay inuu yahay Sarkaalka ugu sareeya Kooxda Macawiisley ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen xarumo ay deegaanka ku lahaayeen, balse markii dambe ay dib ugu soo laabteen halka ay markoodii hore ka duulaan tageen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen 4 Al-Shabaab ah oo uu ku jiray Sarkaalkii ugu sareeyay xubnihii ku sugnaa aagga weerarka uu ka dhacay oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yaasiin.

“Shalay gellinkii dambe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun u ah Al-Shabaab, waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Saddex kale oo la socotay, waxaa inoo suurto gashay in aan kasoo furano qori AK47 ah iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog ku saabsan in halkaas ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray ma jiro.”ayuu yiri  Axmed Dhagey oo ah Sarkaal ka tirsan Kooxda Macawiisleyda.

Kooxda Macawiisley oo ah maleeshiyo deegaanka ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagaal kula jiray dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Gobolka Shabeellaha dhexe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  SH/DHEXE

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS