5 entries

Articles Published on May 26, 2019

Maamulka Hirshabeelle oo ka horyimid Habraacii ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday Maamulkii u horeeyay ee ka horyimid habraacii doorashooyinka dowlad goboleedyada ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka koobnaa 27 qodob oo tilmaamayay habka iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada. 

Garabka Galmudug ee Cadaado oo soo dhoweeyay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka mid ah garabka maamulka Galmudug ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa soo dhoweeyay go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ka hadlayay habraacii iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada. 

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose. 

Wasaaradda Caafimaadka oo ku wargelisay Hey’adaha caalamiga in Nairobi laga raro Shirarka iyo Siminaarada lagu qaban jiray

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi, waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda Wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS