Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay diidmada ay maamul goboleedyada kala hor ymaadeen sharciga Batroolka, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Laba muwaadin oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa ku geeriyootay, halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaarii ay la socdeen xubnahan uu Shil ku galay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Dacar Budhuq.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay Bam Gacmeed lagu weeraray Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.