Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin bambo ku tuuray Xarun ciidan

Ciidamada Booliska ayaa goor dhow gacanta ku dhigay nin bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamada oo ku taala degmada Yaaqshiid. 


Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin bambo ku tuuray Xarun ciidan

Sida ay sheegayaan wararka ninka la qabtay ayaa bambo ku tuuray waaxda Barwaaqo ee degmada Yaaqshiid oo ay bar ciidan ku lahaayeen Ciidanada.

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Ammaanka Gen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono ninka ay ciidamada qabteen ee bamka tuuray.

“Fadhi ay ciidanka booliiska ku leeyihiin Waaxda Barwaaqo ee degmada Yaqshid ayaa bam gacmed lagu soo tuuray waana la qabtay dhagarqabaha bamka soo tuuray, Baaris ka dib waxaa la marsiinaa sharciga”ayay tiri Gen. Zakiya.

Ciidamada Booliska ayaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada ka waday howlgallo amniga lagu sugayay, waxaana habeen ka hor howlgal Ciidamada gaarka u tababaran ee Booliska ka sameeyeen duleedka Muqdisho lagu qabtay rag la sheegay inay dilal ka geysteen magaalada.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS