Faahfaahin Doon ay dad ku dhinteen oo ku degtey xeebaha dalka Tunisia

Ugu yaraan 65 ruux ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay kula degtey badda Mediterraneanka xeebaha dalka Tunisia.

Faahfaahin Doon ay dad ku dhinteen oo ku degtey xeebaha dalka Tunisia

Dadkan oo ahaa dad tahriibayaal ah ayaa waxaa ka badbaaday 16 ruux oo kaliya sida ay sheegtay hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Doontan ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay Zuwara dalka Libya Khamiistii waxaana ay dhexda u gashay mowjado kacsan.

Illaa iyo 164 ruux ayaa ku dhintey inta u dhexeysa Libya iyo Yurub afartii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Dadka laga soo badbaadiyay doontan ayaa la geeyay xeebta wadanka Tunisia iyadoo aan weli loo oggolaan inay dhulka degaan marka laga reebo qof la sheegay inuu xanuunsan yahay.

Dadka doontan saarnaa ayaa la rumeysan yahay inay badankood ay ahaayeen dad ka yimid dalalka ku yaal sub-Saharan Africa.

Kumanaan ruux ayaa sanad walba isku daya in ay tahriibaan kuwaasoo doonaya inay galaan dalalka ku yaal qaarada Yurub.Saddexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan ayaa la sheegay in dad gaaraya 15,900 ay gaareen qaarada Yurub iyagoo ka soo gudbaya badda Mediterranean.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Tunisia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS