Lucas Moura, wuxuu caawa noqday halyeeyga Spur, markii uu saddexley ka dhaliyay kulanka goor dhow ku soo dhammaaday Ajax 2 - 3 Tottenham Hotspur. Kulankaana wuxuu ahaa mid kale oo natiijo lama filaan ah ay ka soo baxday, kaddib soo laabashadda ay sameysay kooxda reer London.