Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay Askarigii dilay darawalki Mooto bajaaj

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ay soo xireen askari boolis ah, kaasoo saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj. 


Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay Askarigii dilay darawalki Mooto bajaaj

Jen. Zekiya oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in aysan marnaba ogolaaneynin in askarta ay dhibaato u geystaan Shacabka, iyadoo shaacisay in sharciga la marsiin doono Askariga gacan ku dhiiglaha ah

Ka sokow Bajaajlaha dhintay, rasaasta uu furay askariga waxa ay sidoo kale dhaawac u geysatay qof Shacab ah oo ka agdhawaa Isgoyska Tarabuunka oo ah halka ay toogashada ka dhacday.

“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayey tiri Taliye Zakiya.

Tallaabadan ayaa ah mid wax badan ka bedeli karta dilalka loo geysto darawalada Mooto bajaajta, haddii askariga falka dilka geysta gacanta lagu dhigo, lana soo taago Maxkamad.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaagayay muddooyinkii u dambeeyay, mana jirin wax dilal ah oo ka dhaca Caasimada, balse askarta dowladda ayaa maanta iyo shalay dil ka geystay degmooyinka Dharkeenleey iyo Hodan dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS