Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kormeeray Xarunta Laanta 6aad ee Garowe

Agaasimaha Guud Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa kormeeray Xarunta laanta 6aad ee Hey’adda Socdaalka ku leedahay magaalada Garowe oo uu maalmahan howlo shaqo u joogo. 


Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kormeeray Xarunta Laanta 6aad ee Garowe

Agaasimaha ayaa ugu horeyn kulan la qaatay agaasinka Laanta 6aad, waxaana uu kala hadlay habsami u socodka howlaha shaqo ee Hey’adda Socdaalka iyo sidii shacabka loogu adeegi lahaa, looguna fududeyn lahaa howlaha baasaboorada.

Intii uu kulanka socday ayuu Agaasimuhu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qeybaha ay ka kooban tahay Xarunta Laanta Socdaalka ee Garowe, waxaana kormeerkan qiimeynta ahaa ku wehliyay Agaasime kuxigeenka Hey’adda iyo xubnaha kale.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo lagu horumarinayo Hey’adda, laguna dardar gelinayo shaqooyinka ay shacabka u heyso, iyadoo Xarumaha maamul goboleedyada iyo magaalooyinka dalka laga furay Xarumo Hey’adda oo lagu bixiyo baasaboorada.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS