Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii labaad ka geystey Soomaaliya toddobaadkan

Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay duqeyntii labaad ay qaadeen toddobaadkan iyadoo ay sii xoogeysanayso weerarada duqeynta ah ciidamada Maraykanka ku hayaan Al-Shabaab sanadkan. 


Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii labaad ka geystey Soomaaliya toddobaadkan

Sida uu sheegay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa AFRICOM duqeyntii ugu dambeysay ayaa ka dhacday deegaanka Garowle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan ay qaadeen shalay ay ku dileen labo ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayna gubeen mooto ay wateen.

Sidoo kale Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayay ciidamada Maraykanka waxa ay duqeyn ka geysteen meel ku dhow degmada Jilib ayna ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeymahan ugu dambeeyay ayaa dhacaya maalmo kadib markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu muddo sanad ah ku kordhiyay weerarada duqeynta ah ee lagu qaadayo ururka Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta ay ka wadaan Soomaaliya si loo wiiqo awooda ururka Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  degmada Jilib

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS