69 entries

Articles Published in March, 2019

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ee Wadada Maka Al-Mukarama oo korortay

Ku dhowaad labaatan ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Labo maqaayad oo ku dhow Hotelka Wehliye. 

Galmudug oo si kulul uga hadashay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadashay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo in doorashada Galmudug ay dhaceyso sanadkan dhexdiisa. 

Guddoomiye Mursal oo ugu baaqay Xukuumadda in si degdeg ah u soo gudbiso sharciga doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay iska xil saarto ka wada xaajoodka qodobada dastuurka faraya, si go’aan looga gaaro. 

Waalidiin ku banaanbaxay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda

Qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodayn Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska, ayaa maanta banaanbax ka dhigay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda.

Madaxweynaha Somaliland oo xilalkii ka qaaday wasiiro musuqmaasuq lagu eedeeyay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii ugaga qaaday Wasiirada Gaashandhigga,Warfaafinta,wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo weliba Agaasimayaal isagoo xilalkoodii mas’uuliyiin kale u magacaabay. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo Askari ku dilay Dayniile

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan, kaasoo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga ee ka howlgala degmada Dayniile. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Agaasimaha Xafiiska Wasiirka A. Dibadda oo xilka looga qaaday qoraal uu ku taageeray xiriir lala yeesho Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka eryay Agaasimihii Xafiiskiisa C/llaahi Axmed Dool, kaasoo qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS