Wararkii ugu dambeeyay kulankii wafdigii ka socday dowlada iyo ciidamada gadoodsan

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Amniga dowlada federalka Maxamed Abuukar Islow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta,abaanduulaha ciidamada xoogga iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la yeeshay saraakiisha horkacaysa ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka magaalada Balcad.

Wararkii ugu dambeeyay kulankii wafdigii ka socday dowlada iyo ciidamada gadoodsan

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiisha ciidamada horkacaysa ay hordhigeen wafdigii ka socday dowlada federalka qodobo ay ka mid ahaayeen:

1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ka maqan 4 bil.
2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah
3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay iyo
4- Markaan ka hadalno waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa.

Kulankan ayaa wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Ducaale, Wasiir Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ayaa u sheegay saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada ka soo baxay Furimaha hordhigay inay ka yihiin wakiil buuxda Madaxweyne Farmaajo,wixii qalad ahna ay dowlada leedahay isla markaana la saxayo wixii qaldamay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa loo sheegay in la siin doono raashinka ka maqan wixii mushaar iyo farsamo iyo sixid u baahana ay qaadayaan mas’uuliyadooda. Ugu dambeyntiina waxaa laga codsaday saraakiisha in ay dib ugu laabtaan goobihii ay soo faarjujiyeen.

Wararka ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiisha ciidamada gadoodsan horkacaysa ay haatan wadatashiyo ay la yeelanayaan ciidamada iyo jawaabta ay ka bixin lahaayeen dalabka uga yimid wafdiga ka socda dowlada federalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Balcad. magaalada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS