Ciidamada Kenya oo isaga baxay Saldhigii u danbeeyay ay ku lahaayeen gobolka Gedo

Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay saldhiggii ugu dambeeyay ay ku lahaayeen Gobolka Gedo oo ka mid ahaa goobaha ay  ku sugnaayeen Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada Kenya oo isaga baxay Saldhigii u danbeeyay ay ku lahaayeen gobolka Gedo

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ka baxeen deegaanka Busaar oo ka mid ahaa deegaanadii ay qabsadeen sanadkii 2012.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay u baxeen dhanka degmada Ceelwaaq ee dhacda dhanka Xadka.

Maamulkii ka jiray deegaanka Busaar ayaa gaaray degmada Ceelwaaq, maadaama laga soo xigtay in aanay heysan ciidamo ku filan oo ay ku difaacaan deegaanka.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku soo qoreen ku sheegay inay la wareegeen deegaanka Busaar, isla markaana la wareegeen agabyo ay Ciidanka Kenya kaga tageen saldhigga

Deegaanka Buusaar oo qiyaastii 40 KM dhanka Bari uga toosan degmada Ceelwaaq ayaa ah meel muhiim ah oo isku xira dhamaan degmooyinka Gedo, waxaana sidoo kale marin muhiim ah u tahay gobolada Jubooyinka.

Buusaar ayaa noqoneysa Saldhiggii u danbeeyay ee Ciidanka Kenya ay baneeyaan, iyagoo hore u baneeyay Saldhigyadoodii Faxfaxdhuun, Ceel Cade iyo Baardheere.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GADO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS