Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo si weyn  loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah wasiiro,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha la socda wafdiga Madaxweynaha  Jabuuti ayaa waxaa kamid ah fanaaniin Soomaaliyeed oo muddo dheer dalka ka maqnaa waxaana ka mid ah fanaaniintaas Xasan Aadan Samatar oo degen magaalada Jabuuti iyo weliba Axmed Cali Cigaal.

Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

  

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS