Wasiirka Duulista Hawada oo booqasho ku tegey magaalada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay), Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.

Wasiirka Duulista Hawada oo booqasho ku tegey magaalada Baraawe

Ujeedada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay xariga looga jari lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe.

Degmada Baraawe ayaa ah xarunta maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya iyadoo la qorsheynayo in Maamulka Koofurgalbeed ay u soo guuraan magaalada Baraawe iyagoo haatan xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  BARAAWE

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS