69 entries

Articles Published in March, 2019

Amb. Cali Fiqi “Imaaraadka wuxuu Soomaaliya ku hayaa dhibaato dhaqaale iyo siyaasad”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ku heyso dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed, xilli dowladda Soomaaliya ay wajaheyso xiisado diblomasiyadeed oo dibadda ah. 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmaya magaalada Kampala

Madaxtooyada Uganda ayaa qaban qaabineysa kulan fool ka fool ah oo ay isugu imanayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo u dhexeeya xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay shirkii Shidaalka Soomaaliya ee magaalada London. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Trump oo mar kale weerar afka ku qaaday Ilhaan Cumar (Aqalka Hoose waxaa kujira kuwo neceb Mareykanka)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaannada Haweenka Muslimiinta ah soo galootiga ah ee ku jira Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka, isagoo si gaar ah u abaaray gabadha gobolka Minnesota ku matasha aqalka Congress­ka Mareykanka. 

Galmudug oo war ka soo saartay Ciidamadii la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay howlgal gaar ah oo Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ay xalay kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Cadaado oo aheyd Caasimaddii KMG aheyd ee fadhiga u aheyd Madaxda Galmudug. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Wasiirka Duulista Hawada oo booqasho ku tegey magaalada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay), Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.

Labo ruux oo si kala gaar gaar ah loogu diley Muqdisho

Labo ruux oo mid ka mid ah ay ahayd ruux dumar ah ayaa lagu diley maanta caasimada dalka ee magaalada Muqdisho. Dilka hore oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyadoo dilka uu geystey mid kamid ah ilaalada Hotel Shamo ee magaalada .

Akhriso:Qoraal ay Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uga hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Ergada dowlada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa qoraal ashtako oo ay ku beeninayaan sheegashada dowlada Kenya ee ah inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada dowladood ku muransan yihiin u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo amartay in la sii daayo carruur hore loogu xukumay xabsi

Maxkamada Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa xukuntay in xabsiga laga sii daayo carruur darbijiif ah oo hore loogu xukumay xarig. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS