Taliska Mareykanka ee Africa oo sheegay in 52 Al-Shabaab ku dileen duqeyn

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray duqeyntii maanta ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaasoo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni. 


Taliska Mareykanka ee Africa oo sheegay in 52 Al-Shabaab ku dileen duqeyn

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay duqeyn jawaab u aheyd weerarka lagu qaaday saldhigga Ciidamada Xoogga dalka lagu laayay Koox ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen illaa 52 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii gantaal lala helay gaari ay saarnaayeen.

Sawirro laga soo qaaday gaariga Al-Shabaab lagu duqeeyay oo ahaa nooca xamuulka ayaa muujiyay meydad fara badan oo gubtay iyo burburka gaariga la duqeeyay. 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS