Howlgal lagu dilay xubno Shabaab ah oo ka dhacay Jubada Hoose
Howlgal qorsheysan ayaa ciidamada Jubbaland waxaa ay ka fuliyeen Deegaanka Handaraaf ee Gobalka Jubada Hoose.
Waxaana la sheegay in howlgalka laga fuliyey degaan ka tirsan G/Jubbada Hoose, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Tirada la dilay ayaa waxaa lagu sheegay 3 xubnood oo Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.
Maalmihii dambe ayaa Jubbaland waxaa ay abaabul dagaal ka waday deegaano ka tirsan Gobalada Jubada Hoose iyo dhexe.
Comments