Mareykanka oo yareynaya howlgalka uu ka wado Soomaaliya
Milateriga Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu yareeyo doorkiisa Soomaaliya iyo howlgalka duqeymaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Telefishinka NBC oo soo xiganayay Saraakiil ka tirsan Mareykanka.
Tani ayaa muujineysa calaamad kale oo Maamulka Madaxweyne Donald Trump ku yareynayo Ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo dhowaan uu ku dhawaaqay inuu kala soo baxayo Ciidamada ka jooga dalka Suuriya.
Warbixinta uu qoray Telefishinka NBC ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu qiimeyn ku sameeyay in Al-Shabaab weli qatar ku yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska, balse aanah qatar halis ah ku aheyn Mareykanka.
Sidoo kale duqeymaha Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ayaa lagu khaarijiyay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo keentay in awooddii ururka ay hoos u dhacdo.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aanay wax is bedel ah ku imaan siyaasaddii howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay sii wadayaan taageerida dowladda Soomaaliya iyo burburinta Al-Shabaab.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore kordhiyay ciidamada ka jooga Soomaaliya duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Isbedelka qorsheysan ayaa sidoo kale muujinaya in isbedel ballaaran oo istiraatiijiyadeed lagu sameeyo ciidamada Mareykanka, si loo yareeyo awoodaha loo adeegsanayo hawlgallada argagixisada ee Afrika.
Xoghayahii Difaaca Mareykanka ee is casilay Mr James Mattis ayaa dhowaan ka digay qorshaha Mareykanka ku yareynayo howlgalkiisa Soomaaliya.
Tallaabada Mareykanka ku yareynayo howlgalkiisa Soomaaliya ayaa ku soo aaday, iyadoo sanadkii hore ay kordheen duqeymaha Mareykanka ka fulinayo Soomaaliya, taasoo labo jibaar ka badneyd duqeymaha xilligii Maamulkii Barack Obama.
Comments