Walaac laga muujiyay dhalinyaro Milatariga Soomaaliya ku toogtayn Baardheere.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Gedo, ayaa walaac xoog leh ka jiritaanka wararka sheegaya iney Alshabaab ahaayen 6 wiil oo ay shalay Milatariga Soomaaliya ku dileen degmadaasi.

Walaac laga muujiyay dhalinyaro Milatariga Soomaaliya ku toogtayn Baardheere.

Korneel Yacquub Nuur oo ka mid taliska Baardheere ayaa KNN u sheegay in 6 qof ay dileen, ay ku xirnaayeen degmadaasi muddo ka badan 5 bil ayna haayn waayeen, kadib markii ay la wareegi weysay dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax maxkamad ah oo la soo taagay, milatariga ayaa qabtay muddo ay xernaayeen kadib dorraad ayaa lagu toogtay gudaha magaalada.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa go’aan lagu fududaaday oo qatartiisa wata, waxayna dhiiri gelineysaa baa sheegeyn in dadka bilaa maxkamad la toogto.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  BAARDHEERE

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS