Militariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo saakay dhaq dhaqaaqyo ka wada Qoryoolay.
Wararka ka imaanaya degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa saakay sheegaya in ciidamada xooga halkaasi ay howlgal qorsheysan ka wadaan.
Howlgalka ayaa ka soconaya tuulooyin hoostaga degmada Qoryoolay, iyadoona ciidamada ay isku sii fidinayaan tuulooyin kale.
Sababta ka dambeysa howlgalka ayaa lagu sheegay inay tahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan gudaha degmada Qoryoolay.
Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in saakay uu howlgalka socda, islamarkaana ay dagaal ku qaadi doonaan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay cabsi badan ay muujinayaan.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa iyaguna la soo sheegayaa inay dhaqdhaqaaq wadaan.
Comments