Jen. Indha Qarshe “Naxariista waa naga dhamaatay, Al-Shabaabkii la qabto waa la dilaa”

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka damabeeya Al-Shabaabkii la qabto la dili doono, isagoo ka dhawaajiyay inay ka dhamaatay naxariista.

Jen. Indha Qarshe “Naxariista waa naga dhamaatay, Al-Shabaabkii la qabto waa la dilaa”

Jen, Indha Qarshe ayaa faray Ciidamada xoogga dalka inay iska dhaafaan wixii hadda ka dambeeya naxariista, isla markaana la taabsiiyo xanuunka iyo geerida Shabaabkii la qabto.

“Ma rabin inaan dilno ninka Soomaaliga, qasab bey noqotay, waana fulineynaa, waxaa balan-qaadeynaa in gacan adag inaan ku qabano, ayagana ha u diyaar garoobeen naxariista waa naga dhamaatay”ayuu yiri Jen. Indha Qarshe.

Waxaa uu sheegay uu sheegay inay qasab noqotay in wixii hadda ka dambeeya la dilo Shabaabkii la qabto, bedelkii xabsiyada la geyn jiray, isagoo xusay in marxalada hada la marayo ay tahay mid mudan in wax laga bedelo.

“Marxalada hadda la marayo waxay u egtahay in wax laga bedelo ninka dhibaato geysta, in asigana la dareensiiyo oo xanuunka la taabsiiyo, geerida dhibka ay leedahay iyo xanuunka dhibka uu leeyahay la taabsiiyo waaye”ayuu yiri Jen, Indha Qarshe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS