Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal oo la kulmay madaxda dowlada Qubrus

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Maalmahanba Booqasho Ku Jooga Isaga Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus  ayaa la kulmaya madaxda Cyprus. 


Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal oo la kulmay madaxda dowlada Qubrus

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan.

Kulankoodi ayaa waxaa ay diiradda ku saareen xiriirka ka dhaxeeya Cyprus iyo Soomaaliya,iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus.  Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS