Banaan bax looga soo horjeedo nin Puntland dil ku xukuntay oo ka socda Gaalkacyo

Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta koofureed ee magaalada. 


Banaan bax looga soo horjeedo nin Puntland dil ku xukuntay oo ka socda Gaalkacyo

Banaan baxa oo ay dhigayaan dad u badan haween iyo dhalinyaro ayaa taayaro lagu gubay, waxaana uu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in banaan baxayaasha dadka dhigaya ay ka soo jeedaan qeybta Koofureed ee Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Maxkamadda Puntland ayaa la sheegay inay dil ku xukuntay C/risaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), kaasoo howlgal ay iska kaashadeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidanka Kumaandooska lagu qabtay bishii7aad ee sanadkii hore.

Ninkan ayaa horay Ciidamada Puntland gacanta ugu dhigeen, waxaana sanadkii 2012 ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho, hase ahaatee waxaa la sii daayay sanadkii 2014.

Waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa Madaxa Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug.

C/risaaq Tahliil ayaa horay u degenaa dalka Mareykanka, waxaa dhaq dhaqaaqiisa la socday Mareykanka oo ku tilmaamay inuu ahaa nin khatar oo xagjir ah.

Lama oga banaan baxa ka socda Gaalkacyo ee looga soo horjeedo dilka C/risaaq Tahliil waxa uu ka bedeli karo, iyadoo horay qaab xeer jajab ah looga sii daayay xabsi uu ku jiray muddo labo sano, kuna ahaa dil suge.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GAALKACYO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS