Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku mudeynayaan xilliga uu hor-imaanayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. 


Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Aqalka Sare oo bilihii u dambeeyay howsheeda gaabis aheyd, ayaa haatan dardar geliyay, waxaana maalmihii la soo dhaafay ay lahaayeen kulamo is daba joog ahaa oo looga hadlayay hindiso sharciyeedyo hor-yaalay arrimaha xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo kulamo Beesha caalamka la qaadanayaan Guddoonka Aqalka Sare.

Kulanka Guddiga Joogtada Aqalka sare ay maanta ku leeyihiin xaruntooda ayaa ugu horeyn warbixin looga dhageysanayaa Guddoomiyaha Aqalka sare oo dhowaan la kulmay Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo xubno ka tirsan Hey’adaha Caalamiga.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu iclaamin doonaa muddeynta kulan xog wareysi ah oo Aqalka sare la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha.

Senatorada Aqalka Sare oo matala Maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay su’aalo ka weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha khilaafka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Kulamada Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyaa ajandayaasha iyo shirarka ay yeelanayaan Aqalka Sare, waxaana inta badan laga soo saaraa war murtiyeed.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS