59 entries

Articles Published in November, 2018

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo soo saaray shuruudaha Musharaxiinta (Akhriso)

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 17-ka bisha November. 

Amiirka Dhaxalsugaha Sacuudiga oo sheegay in Kashoggi uu ahaa Islaami halis ah

Amiirka Dhaxalsugaha dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa Mareykanka u sheegay in Jamal Kashoggi uu ahaa Islaami halis ah. 

Gaadiidleyda Xamuulka ee Gobolka Banaadir oo cabasho ka keenay cadaalad darro lagu sameeyay

Milkiilayaasha Gaadiidka xamuulka qaada ee gobolka Banaadir ayaa cabasho ka keenay cadaalad daro lagu sameeyay, iyagoo ku eedeeyay shirkado ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah la siiyay maamulida gaadiidka ka shaqeeya Dekeda Muqdisho. 

Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku mudeynayaan xilliga uu hor-imaanayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. 

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay Sh/dhexe oo dalkooda dib ugu laabtay

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi kana howlgalayay gobolka Sh/dhexe ayaa dib dalkoodii kadib markii ay dhameysteen muddo sanad ah oo ay ka howlgalayeen dalka Soomaaliya. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Kulan Sanadeedka Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sanadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019. 

Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo u tegey Gaalkacyo inay la kulmaan Ergeyga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii magaalada Dhuusomareeb loo diiday in ay gaaraan gaadiidka Qaramada Midoobay. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Aqalka Sare oo ka digay faragelin lagu sameeyo Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhici doonta 17-ka bishan November ee soo socota. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS