Agaasimaha CIA Ms Haspel oo dhagaysatay codad laga duubay dilkii Khashoggi

Agaasimaha CIDda dalka Maraykanka Gina Haspel ayaa dhagaysatay codad la sheegay in laga duubay dilkii saxafiga Khashoggi.  Ms Haspel ayaa loo oggolaaday inay codadkan dhagaysato  xilli ay booqanaysay horaantii toddobaadkan dalka Turkiga sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Turkiga iyo Maraykankaba.

Agaasimaha CIA  Ms Haspel oo dhagaysatay codad laga duubay dilkii Khashoggi

Agaasimaha laanta sirdoonka dalka Maraykanka Ms Haspel ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxa ay booqasho ku tagay dalka Turkiga waxayna maanta dib ugu laabatay dalka Maraykanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in arrintan ay sababi karto in dowlada Maraykanka ay tallaabo ka qaado Boqortooyada Sacudi Carabiya. Sacudi Carabiya ayaa beenisay in dhaxalsugaha Mohammed bin Salman uusan wax lug ah ku lahayn dilka Khashoggi.

Hase yeeshee Khashoggi ayaa ku dhaartay in uu tallaabo adag ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay dilka saxafiga Khashoggi. Wararkii ugu dambeeyay ee baaritaanka meydka Khashoggi ayaa sheegaya in weli laga raadinayo guriga uu ka degenaa qunsulka Boqortoyada Sacudi Carabiya magaalada Istanbul. Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa gaashaanka ku dhufatay in loo gudbiyo dacwad Maxkamada Caalamiga ah.   

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Agaasimaha CIA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS